Uncategorized

R/W Kheyre oo bogaadiyay Ciidamo isku dhaf ah oo Bisha Ramadaan Sugaya amaanka Muqdisho

Muqdisho-KNN-Ciidamo loo diyariyay  in ay xoojiyaan ammaanka caasimadda islamarkaana ah ciidan isku dhaf ah ayaa waxaa ku booqday xarunta ay kaga sugan yihiin Muqdisho Ra`iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre, guddoomiyaha gobolka Banaadir taliyaha hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa sheegay in maamulkiisu uu si istaraatiijiyad ah ku wajahay amniga Caasimadda, iyadoo 17ka degmo ee G/Banaadir laga hirgeliyey wadashaqaynta laamaha ammaanka iyo maamulka.

Guddoomiya Yarisow ayaa xusay in ciidamada looga fadhiyo inay ka hortagaan falalka lidiga ku ah amaanka, gaar ahaana kuwa dhibaatada u maleegaya shacabka Soomaaliyeed, isagoo ka hadlayay kormeer dhiirigelin ah oo ay si wadajir ah ugu sameeyeen xarunta Ciidamadda Xasillinta Caasimadda, Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Khayre, Saraakiisha Ciidamadda iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in kalsooni laga kasbado shacabka ku nool goobaha howlgallada laga fulinayo, maadaama ay iaygu yihiin cidda loo adeegayo, isla markaana laga fogaado wax walba oo dhaawacaya wadashaqaynta ciidamadda iyo shacabka, lana dhowro Xuquuqal Insaanka.

“Caasimaddu si ay ula tartanto adduunka waxay u baahan tahay amni iyo xasillooni, amnigaas in ay keento waxa looga fadhinayana waa idinka hortayda taagan. Waxaana idiin-kaga mahadcelinayaa howllaha baxaadda leh ee aad ka qabateen amniga Muqdisho, welina waa inaad ogaataan cadowgu inuu dhibaato u maleegayo nafta iyo maalka shacabka Soomaaliyeed.” Ayuu yiri Duqa Caasimadda.

Raiisul Wasaarah Soomaaliya oo la hadlayay ciidankaasi isku dhafka ah ayaa sheegay in lo baahan yahay in amniga caasimadda ay la xoojiyo,isagoo kula dardaarmay ciidamadda in kor loo sii qaado sugida amniga Caasimadda.

Ciidamadan ayaa isku diyaarinaya ka hortagga dhagarta Alshabaab ay u soo maleegayaan shacabka,xili ay fooda inagu soo hayso bish abarakaysan ee Ramadaan.