Uncategorized

R/W Kheyre oo daah furay shir looga hadlaya Xaalada dadka barakacay ee Beladweyne

Muqdisho-KNN-Xasan Cali Kheyre Ra`iisul Wasaaraha xukumadda fedraalka Soomaaliya ayaa goor dhow magaalada Muqdisho ka furay shir deg deg ah oo looga hadlaya saameynta ka dhalatay fatahaada uu sameeyay Webiga Shabeele ee mara magaalada Beladweyne ee gobolka Hiiraan.

Kumanaan dad ah ayaa waxaa saameeyay fatahaada Webiga Shabeele kuwaas oo ku dhibaateysan daafaha magaalada.

Shirkaan maanta ka furmay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka soo qeyb galay mas`uuliyiin kala duwan oo ka socday dolwada sida xildhibaanno, Guddiga ka hortagga Musiibooyinka Qaranka, Ganacsato iyo Hay’addaha gargaarka bixiya ee ka howgalo dalka Soomaaliya.

Shirkaan ayaa waxaa la filayaa in ay ka soo baxaan qodobo iyo talaabooyin loogu gurmanaya dadka ka baracay fatahaada Webiga ee ku dhibaateysan daafaha magaalada Beladweyne.