Somali News

R/W Kheyre oo dalka dib ugu soo laabtay kadib shir uu ugu qeyb galay dalka Norway

Muqdisho-KNN-Ra`iisul Wasaaraha Xukumadda Fedraalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre aya maanta dib ugu soo laabtay magalada  Muqdisho kadib markii shir Caalami ah uu ugu qeyb galay magaalada Oslo ee Caasimada Dalka Norway.

Shirka ayaa looga hadlay arimo dhowr ah oo la xiriirla dhaqaalaha iyo sidii leysaga kaashan lahaa.

R/W Kheyra oo ka hadlay shirkaasi ayaa sheegay in xukumaddiisa intii ay jirtay ay ku talaabsatay horomaro dhowr ah, wuxuuna sidoo kale uu la kulmay dhigiisa dalka Norway uu kala hadlay arimo badan iyo sidii kor looga sii qaadi lahaa xiriirka labada dowladood.

Xasan Cali Kheyre Ra`iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa la filayaa in maalmaha soo socda uu u duulo dalka Imaaraadka, kadib markii ay soo ifbaxday in Ra`iisul Wasaaraha Itoobiya uu ku howlan yahay dhax dhaxaadin dowlada Imaaraadka iyo Soomaaliya oo xiriirkooda mugdi uu soo kala dhax galay.