Muqdisho-KNN-Ra`iisul Wasaaraha Xukumada Fedraalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo Maanta dalka dib ugu soo laabay kadib safar dhowr Cisho qaatay uu joogay dalka Isu tagga Imaaraadka Carabta ayaa Kheyre wuxuu warbaahinta kaga warbixiyay waxyaabihii ay kawada hadleen asaga iyo Mas`uuliyiinta Dowlada Imaaraad Carabta.
Xasan Cali Kheyre Ra`iisul Wasaaraha Xukumada Fedraalka Soomaaliya ayaa sheegay in dowlada Imaaraadka ay wada hadleen sidii loo fasixi lahaa Xoolihii laga dhoofin jiray Soomaaliya loona dhoofin jiray dalka Imaaraadka Carabta, kadib markii Dowlada Imaaraadka ay horay u joojiyeen Xoolihii loo dhoofin jiray Soomaaliya a oo ay ku sheegeen in aysan Caafimaadkooda uu san wanaagsaneen, wuxuu sidoo kale Ra`iisul Wasaarahu uu tilmaamay Dowlada Imaaaradka ay kala hadleen in ay gacan ka geysto amaanka Magaalada Muqdisho.
Ra`iisul Wasaaraha Xukumada Fedraalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa dhanka kale soo hadal qaaday hashiiskii ay maalin ka hor ay wada saxiixdeen Shirkada DP World, Soomaaliland iyo Dowlada Itoobiya, hashiiskaas ayaa Qeexaya sida ay u kala helayaan Dakhliga ka soo xarooda Dekada Magaalada Berbara.
Shirkada Dp World ee laga leeyahay dalka Imaaraatka waxaa ay Saami u heshay 51%, Somaliland waxay saami u heshay 30%, halka dowlada Itoobiyana saami u heshay 19% kuwaas oo ah Dekhliga kasoo xarooda Dekada Berbara.
Ra`iisul Wasaraha ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay hashiiskaas wuxuuna sheegay in xukumadiisa aysan wax ka ogeen.
Hadalka Xasan Cali Kheyre ayaa imaanaya xili Wasaarada Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukumada Soomaaliya ay maanta soo saartay War-saxaafadeed lagu sheegayo in Dowlada ay ka hor imaansantahay hashiiskaasi.


