Muqdisho-KNN-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay guddoomiyey shirka joogtada ah ee guddiga xakameynta cudurka Coronavirus, kaas oo looga hadlay arrimo dhowr ah.
Shirka ayaa intiisa badan looga hadlay saameynta uu cudurkaas ku yeeshay dhaqaalaha dalka ee ka dhashay xayiraadaha iyo khataraha kale ee caalamka dhan kasoo wajahay cudurka COVID-19.
Ra’iisul wasaaraha ayaa warbixin ku aadan xaaladihii ugu dambeeyey ee cudurka Corona ka dhageystay xubnaha guddiga ee uu la shiray. Waxuuna warbixintas kadib kula dardaarmay inay laba jibaaraan dadaalkooda ka hor tagga xanuunkaas oo kusii fidaya gudaha dalka.
“Shirka Guddiga Qaran ee xakameynta safmarka COVID-19 oo caawa uu shir guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa looga dooday saameynta dhaqaale ee uu COVID19 ku yeeshay bulsahda iyo sida loo wajahayo” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska Kheyre.