Somali News

R/W Kheyre oo guul ku tilmaamay la soo wareegitaanka hawada Soomaaliya

Muqdisho-KNN-Ra`iisul Wasaaraha xukumadda fedraalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo maanta ka qeyb galay munaasabad loogu dabaal dagayay la soo wareegitaanka Hawada Soomaaliya oo muddo badan laga maamulayay dalka dibadiisa ayaa sheegay in ay ka midtahay horomarada socda ee dowlada ay ku talaabsaneyso, la soo wareegitaan Hawada.

R/W Kheyre oo khudbad ka jeediyay munaasabada ayaa ka hadlay arimo badan wuxuuna RW Kheyre carabka uu ku dhuftay in dowlada Soomaaliya ay ka go`antay in ay dib ay usoo ciliso waxyaabaha ay leeyihiin dadka Soomaaliyeed ee ka maqan.

Xasan Cali Kheyre ayaa amaanay Wasiirka Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista hawada ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Oomaar, kaas oo uu sheegay in uu ka qeyb qaatay dadaaladaan la gaaray.