Muqdisho-KNN-Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa lagu wadaa inuu safarkiisii ugu horeeyey ku tago deegaanadda maamul goboleedka Puntland tan iyo markii loo magacaabay Ra`iisul wasaaraha Soomaaliya horaantii sannadkii 2017-ka.
Ra`iisul wasaare Kheyre ayaal ayaa tagi doono deegaano kala duwan oo puntland ka tirsan, oo ay ugu horayso magaalada Garoowe ee xarunta maamulkaasi.
Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa KNN u Sheegay in R/Wasaare Kheyre uu tago doono xarumaha ciidanka Puntland ay kaga sugan yihiin degaanada Puntland.
Wararka Qaar Ayaa Sheegaya In Ra’iisulwasaaruhu uu kulan la qaadan doono Madaxda Maamulka Puntland oo ay ka wada hadli doonaan arrimo u dhaxeeya Dowlada Soomaaliya iyo maamul gobaleedka Puntland, iyagoona kulankoona diirada lagu saari doono colaada ka taagan degaanka Tukeraq ee gobalka Sool.
Maamulka Puntland ayaa doonaya in la dhaqan-galiyo heshiisyo horey ay u galeen dawladda Faderaalka iyo Maamulka Puntland, kaasi oo ku saabsanaa arrimaha dhaqaalaha, Kheyraadka iyo heshiisyada caalamiga ah, waxaana sidaas oo kale ay hadda doonaysaa Puntland heshiisyo cusub oo la xariira kaalmada caalamiga ah ee la siinayo Soomaaliya.


