Uncategorized

R/W Kheyre oo la kulmay Jawaari

Muqdisho-KNN-Ra`iisul wasaaraha xukumada fedraalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Afhayeenkii golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa xalay qaatay kulan saacado socday.

Ra`iisul wasaaraha ayaa Jawaari ku booqday hoygiisa waxaana kulanka inta badan uu ahaa mid is macsalaameyn iyo is cafis ah.

Afhayeenkii golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa horay Ra`iisul wasaaraha xukumada fedraalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre wuxuu ugu eedeeyay in uu ka dambeeyo Mooshinkii laga gudbiyay asaga ee ugu dambeyn lagu tuuray.

Kheyre ayaa Jawaari ka dalbaday in laga gudbo wixii hore isla markaana horay loo sii wado dadaalada dalka lagu bad baadinaayo.