Uncategorized

R/W Kheyre oo la kulmay Wakiilka Arimaha Dibada ee Midowga Yurub  

Muqdisho-KNN-Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali khayre ayaa la kulmay Wakiilka Midowga Europe uqaabilsan Arrimaha Dibada iyo Amaanka Federica Mogherini isagoo ka qayb galaya shir looga hadlaayo Amaaanka Soomaaliya.

Labada masuul waxay ka doodeen xaaladda Soomaaliya ee dhinacyadda Siyaasadda, dhaqaalaha iyo isbadaladda Amaan ee Dowladda Soomaliya ay hormuudka katahay.

Sida algu Shaaciyay Bogga internetka ee Midowga Europe, waxay isla garteen Masuuliyiinta Soomaaliya iyo EU in Midowgu uu door muhiim ah ku leeyahay kala guurka Amini ee Soomaaliya iyo taageradda Dowladda.

Federica Mogherini waxay hoosta ka xariiqda Xiriirka ka dhexeeya fulinta Qorshaha kala guurka Amni, isbadaladda dhaqaalaha iyo hiigsi Siyaasadeedka Doorashadda ee 2020 ka la filayo in Soomaaliya ay ka dhacdo.

Waxay sidoo kale sheegtay in Midowga Europe uu wadayo taageeridda Dowladda Soomaaliya.

Ra’iisulwasaare Xasan cali khayre ayaa dhankiisa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay gaartay guulo dhinaca Amaanka ah islamarkaan ay dajisay qorshe Amaanka oo ciidamadda Dowladdu ay Amaanka Dalka kula wareegayaan marka ay ciidamadda AMISOM baxaan.

Shirka looga hadlayo Amniga Somaaliya ee lagu qabanayo Brussels waxaa soo qaban-qaabiyay Midowga Europe gaar ahaan waaxda ay Madaxda ka atahay  Federica Mogherini ee Arrimaha Dibadda iyo Amniga.

Shirka waxaa ka qaybagalaya Ergo uu dhiana Soomaaliya Hugaaminayo Ra’iisul wasaaare khayre, Midowga Europe, QM, AMISOM, Midowga Africa, iyo Wadamadda Qaybta ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

Waxaa Diirada lagu saaridoonaa Amaanka Soomaaaliya iyo sida loo maareeynayo waqtiga kala guurka ah ee Ciidamamadda AMISOM dalka ka baxayaan.

Bishii December e Sanadkii tagay ayaa Soomaaliya waxaa ka baxay 1000 Askari oo ka Tirsanaa AMSOM, waxay bilow u ahaayeen qorsha AMISOM ay dalka uga baxayaan.