Somali News

R/W Kheyre oo maanta booqanaya magaalada Qardho

Qardho-KNN-Wararka ka imaanaya magaalada Qardho ee Puntland ayaa sheegaya in Ra`iisul Wasaaraha Xukumadda Fedraalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu maanta ku wajahan yahay magaalada Qardho oo 250 KM u jirta magaalada Garowe ee xarunta maamulkaasi.

Ra`iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa maalmihii dambe wuxuu booqasho ku joogay magaalada Garowe ee Puntland wuxuu sidoo kale booqasho uu ku tagi doonaa deegaano kale oo ka tirsan Puntland.

Soo dhaweynta R/W kheyre ayaa maanta laga dareemayaa magaalada Qardho iyadoona amaanka magaalada aad loo adkeeyay.