Uncategorized

R/W Kheyre oo maanta la kulmaya mas’uuliyiin ka tirsan Imaaraadka.

Muqdisho-KNN-Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa xalay fiidkii gaaray magaalada Abu Dhabi ee dalka isu tagga Imaaraadka Carabta, halkaas oo ay uga bilaabatay booqasho rasmi ah oo labo cisho qaadan doonta.

Wafdiga Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa waxaa soo dhoweeyay Wasiirka Tamarta iyo Warshadaha Imaaraadka Carabta Suhail Mohamed Bin Faraj Al Mazrouei.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehliya Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale, La Taliyaha Amniga Qaranka Cabdisaciid Muuse Cali iyo Xildhibaano ka tirsan barlamaanka Soomaaliya.

Maanta ayaa la filayaa inay kulamo la qaataan Wasiiro ka tirsan Imaaraadka Carabta iyo mas’uuliyiin kale, sidoo kale waxaa Ra’iisul Wasaaruhu la kulmi doonaa dhaxalsugaha Imaaraadka Carabta.

Safarka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa u muuqda mid lagu qaboojinaya xiisadii bilihii danbe ka dhax taagneed Dowlada Imaaraadka iyo Dowlada Soomaaliya ka dib markii imaaraadka saldhig u noqotay kooxaha mucaaradka ah ee Dowlada dhaliila.