Uncategorized

Shir looga hadlayo dhuxasha Soomaaliya oo maanta Muqdisho ka Furmaya.

 

Muqdisho-KNN Shir looga hadlayo dhuxusha Soomaaliya ayaa goordhaw waxaa lagu wadaa in uu ka furmo xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho.

Reysul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya  Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa lagu wadaa in shirkan uu furo, sidoo kalana ka qeeybgalay Shirkan xubno ka socda maamul Goboleedyada dalka.

Shirkan ayaa waxaa ka qeeybgalaya hayadaha Qaramada Midoobay oo u qaabilsan dhanka deegaanka, Dowladda Sweden Iyo Midawga Yurub.

Shirkan oo socon doono muddo laba maalmood ah ayaa gabagabadiisaa waxaa la rajeeynayaa in laga soo saaro qodobo xakameeynaya dhuxusha aan tirada yareen oo Soomaaliya laga dhoofiyo.

Soomaaliya ayaa waxaa ka jira dhir jaris xoogan iyada oo ganacsatto badani ey ku hoowlan yihiin ka beecmushtarka dhuxusha, taa oo halis badan ku heeysa deegaankanka.