Uncategorized

R/W Kheyre oo xalay booqday  Ciidamo loo qorsheeyay in ay dalka ka saaraan Al-shabaab.

Muqdisho-KNN-Ra’iisul Wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa xalay kormeeray Ciidamo gaar ah oo loo diyaariyey in ay fuliyaan howlgalo qorshaysan  oo Al-shabaab looga saaraayo deegaanada dalka ay kaga sugan yihiin.

Ciidankaan oo lagu diyaariyey degmooyinka  Dayniile iyo Hodan ee Gobolka Banaadir ayaa ka kooban Booliis iyo Nabad sugida  kuwaa oo  u diyaarsan howlgal lagu  cirib tirayo kooxda Al-shabaab.

Ra’iisul Wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali ayaa warbixin  ku aadan diyaar garowga ciidanka waxa  ka  dhageystay  Sarakiisha hogaaminaysa waxaa uuna   uu muujiyey tageero  isagoo ku hadlayey magaca Madaxwaynaha.

kormeerkaan uu Ra’iisul Wasaaraha xukumadda fedearalka Soomaaliya Xasan Cali khayre  uu ku tagey xalay degmooyinka Hodan iyo Deyniile ayaa  imaanaya xili daba yaaqadii todobaadkii tagay oo booqday nuucaan oo kala ah uu ku tagay degmada Hiliwaa ee Gobolkaan Banaadir.