Uncategorized

R/W Kheyre”canshuurta laga qaado shacabka, dowlada masiin doonto dad aan dowlada u shaqeynin”

Muqdisho-KNN-Ra’isal wasaaraha xukumadda fedraalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo maanta ka qeyb galayay kulan loogu magacdaray daahfurka tirakoobka shaqaalaha Rayidka ah ee dowladda Soomaaliya, ayaa sheegay in dowlada canshuurta ay ka qaato dadka shacabka ah aysan siindoonin dad aan u shaqeynin dowlada Soomaaliya.

Ra`iisul Wasaaraha ayaa wacad ku maray in xukumaddiisa ay la dagaalami doonto musuq maasuqa iyo wax isdaba marinta.

Kheyre ayaa sidoo kale balan qaaday in bisha soo socoto la dhisi doono wadooyinka waa weyn ee Muqdisho ku xera Afgooye iyo Jowhar.

Mashruuca dhismaha waddooyinkaan ayaa horay waxaa u balan qaaday dowlada Qadar oo sheegtay in ku bixineyso lacag dhan $200 Milyan.