Muqdisho-KNN-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in dhowaan magaalada Muqdisho ay ka bilaaban doonaan Howlgallo culus oo ammaanka lagu Xaqiijinayo.
Kheyre ayaa tilmaamay in Ciidamada Xasilinta ee ammaanka magaalada Muqdisho ay udiyaariyeen ilaaa iyo kun Askari kuwaasi oo isugu jira Millitari, Boolis, Nabad Sugid, Asluub, iyo Amisom.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre sidoo kale sheegay in demgo walba oo ka tirsan Gobolka Banaadir laga hirgeliyay Ciidamadaan, wuxuuna shacabka ka dalbaday in ay la shaqeeyaan Ciidamada, taasi bedelkeeda Ciidamada ayuu ugu baaqay in ay Shacabka u dhimriyaan.
Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka ayaa kordhiyay Howlgalada ammaanka lagu xaqiijinayo ee ay ka sameynayaan gudaha iyo banaanka magaalada Muqdisho kaaasi oo looga hortagayo weerarada ay damacsanyihiin dagaalamayaasha Al- shabaab iyadoona ay xusid mudantahay in wadooyinka magaalada Muqdisho amaankeeda aad loo adkeeyay