Uncategorized

R/W Kheyrre “amni darrada Muqdisho waxaa lagula xisaabtamayaa Gudoomiyaasha degmooyinka”

Muqdisho-KNN-Kulan amaanka looga hadlayo oo ay ka qeyb galeen Saraakiisha Hay’adaha amaanka, Wasiirka amniga Qaranka, iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre ayaa xalay lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Kulanka oo ahaa mid deg deg ah ayaa looga hadlayey xaalada amni darro ee sii xumaaneysa ee ka jirta magaalada Muqdisho oo maalmihii la soo dhaafay Marti gelisay dilal kala Duwan.

Ra’iisul Wasaare Kheyrre ayaa yiri ” suurta gal maahan in muqdisho maalin walba lagu dilo muwaadin aan waxba galabsan, amaanka Muqdisho waxaa masuul ka ah Guddoomiyaasha degmooyinka iyo Taliyaha degmada” sidaas waxaa warbaahinta u sheegay Xasan Cali kheyrre.

Maalmihii la soo dhaafay ee Bisha Ramadaan ayaa magaalada Muqdisho lagu dilay in ka badan 25 qof, maalin walba Muqdisho waxaa lagu dilaa labo ilaa saddex qof (2-3).

Dadka qaar ee la dilay ayaa isugu jira Shacab iyo Ciidan, qaar ka mid ah dilalka dhacay ayaa waxaa laga qaadayey Sawiro iyadoo ay socoto toogashada qofka taas oo walaac xoog leh ku abuurtay Shacabka reer Muqdisho.

Daacish iyo Al-Shabaab ayaa inta badan sheegtay dilalkii ka dhacay Gobalka Banaadir.