Uncategorized

R/W Kheyrre Shacabka Soomaaliyeed ugu Hambalyeeynayaa Bisha Soon.

Muqdisho-KNN-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu Hambalyeeyay Bilasha Bisha Bakareysan ee Ramadaan oo maanta si mid ah looga soomay Dunida Muslimka iyo Guud ahaan Soomaaliya.

“Dhamaan Shacabka Soomaaliyeed waxaan ugu Hambalyeeynayaa Bilasha Bisha Barakeysan ee Ramadaan oo Caawa noo curatay, waa bil Barakeysan oo kheyr badan waa in laga faa’ideestaa dadka dhibaateysana aan Caawinaa” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyrre.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa Shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday iney la shaqeeyaan hay’adaha amaanka si loo adkeeyo amaanka, waxa uuna masuuliyiinta amaanka iyo Ciidamada ka dalbaday iney laba laabaan dadaalkooda ku aadan sugidda amaanka Muqdisho.