Uncategorized

R/W Kheyrre iyo Wasiir Islow oo xalay kormeeray Muqdisho oo Madaafiic Marti gelisay. +SAWIRO

Muqdisho-KNN-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre iyo Wasiirka amniga Soomaaliya oo ay wehliyaan Taliyaasha Ciidamada Qalabka sida ayaa xalay kormeeray xaafado ka mid ah magaalada Muqdisho oo ay ka dhaceen Weeraro isugu jira Bam  Gacmeediyo Hoobiyaal.

Wasiirka amniga iyo Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in amaanka la xaqiijin doono balse shacabka ayey ka dalbadeen iney la shaqeeyaan Ciidamada amaanka Soomaaliya si looga adkaado kooxaha weerarada ka geesta Muqdisho.