Somali News

R/W Kheyrre oo baajiyey safarkiisii Kismaayo

Kismaayo-KNN-Waxaa maanta baaqday safarkii lagu waday in uu magaalada Kismaayo ku gaaro Reysal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre oo diyaar garowga soo dhaweyntiisa Kismaayo aad looga dareemay.

Sababta baaqashada safarka Kheyrre ayaa lagu sheegay in maanta magaalada Muqdisho la keenayo meydka Marxuum Wasiir Xoosh oo shalay ku geeriyooday dalka Imaaraadka Carabta kadib xanuun deg deg ah oo soo wajahay.

Marxuumka ayaa lagu wadaa in maanta Aas Qaran loogu sameeyo magaalada Muqdisho, waxaana loo xil saaray diyaarinta Aaska Qaran wasiiro iyo mas’uuliyiin kale oo katirsan Dowladda Soomaaliya.

Lama oga in safarka Reysal Wasaaraha dhamaantiisba baaqday iyo in dib loo dhigay. Magaalada Kismaayo ayaa waxaa gaaray xubno badan oo horudhac u ahaa safarka Reysal Wasaaraha kuwaas oo wali ku sugan isla Kismaayo.