Somali News

R/W Rooble iyo taliska booliska oo qoraalo ka soo saaray qaraxii is-miidaaminta ahaa

Muqdisho-KNN-Qof isku soo xiray waxyaabaha qarxay ayaa xalay fiidkii hore isku miidaamiyey dad ku caweynayey maqaayad ku taalla xaafadda Seddaxda-Geed ee degmada Shangaani ee gobolka Banaadir.

Dad u badan shacab ka cunteynayey maqaayadda ayaa ku geeriyooday qaraxaas, halka kuwo kalena ay ku dhaawacmeen.

Afhayeenka booliska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali ayaa qoraal uu xalay baahiyey waxa uu ku yiri, “Caawa abaare 19:00 fiidnimo, ayaa naftii halige isku qarxiyay goob shaah laga cabo, oo dhalinyaro isugu timaado, qasaaraha qaraxa ayaa ah 6 dhimasho ah (4 Dhalinyaro ah, 1 wiil saqiir ah iyo naftii haligihii) iyo dhaawaca 4 kale, barxada 3da geed ee agagaarka Saldhiga Boliiska Degmada Shangaani.”

Dhanka kale Ra’iisulwasaaraha xukuumadda xil-gaasiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu uga tacsiyeeyey khasaarihii dhimaaho iyo dhaawac ee ka dhashay qaraxii xalay ka dhacay mayaaqad ku taalla degmada Shangaani ee gobolka Benaadir.

“Waan cambaareynayaa falka argagixisada Alshabaab ku laayeen dhallinyaro ku fiidsaneysay Muqdisho. Waa bahalnimo kale oo muujineysa sida ay argagixisada uga go’an tahay ciribtirka bulshada iyo mustaqbalka dalka. Allaha u naxariisto intii dhimatay dhaawacyada Allaha bogsiiyo, eheladana Samir iyo Iimaan,” ayaa lagu yiri qoraal lagu baahiyey baraha bulshada ee Ra’iisulwasaare Rooble.

Maqaayada uu qaraxaan ka dhacay ayaa ku taalla meel aan ka dheereyn saldhigga booliska ee degmada Shangaani, waxayna ciidamadu xireen wadooyinka soo gala aagga uu qaraxaasi ka dhacay, iyadoo dadkii ku waxyeeloobay loola cararay goobaha caafimaadka ee magaalada Muqdisho.