Somali News

R/Wasaaraha Armaaniya oo laga heley xanuunka COVID-19

Muqdisho-KNN-Ra’iisul Wasaaraha wadanka Armaaniya Nikol Pashinyan iyo  qoyskiisa ayaa inta badan  waxaa laga heley xanuunka caalimiga ah ee COVID-19, waxaana durba la galiyey karantiil.

Muqaal laga soo duubey R/Wasaaraha ayaa muuniyey isag oo kaligii meel kujira waxaana uu sheegey mr Nikol muuqaalkaani in uu ugu danleeyahay in aaney bulshaada qarsan xanuunkaan.

Dalka Armaaniya  oo horey ugu mid ahaa Soofiyeedkii ayaa bulshada dalkaasi  ku nool waxaa ay gaareyaan in kabadan 3,million oo ruux, waxaa uuna xanuunka COVID-19 uu ku dhacay 9,492 oo uu kamid yahay R/Wasaarihii Dalkaas halka ay u dhinteen 139 oo ruux.

R/Wasaare Nikol Pashinyan ayaa ka mid noqoneya  masuuliyiin badan oo uu haleeley xanuunkaan Safmareenka ah ee Karoona, waana R/Wasaarihii 3 aad ee isaga oo Xafiiska jooga uu ku dhaco  Kofid-19 waxaana labada R/Wasaare ay kala yihiin Booris jonson iyo  Jastin Turuudhu, R/W Wadanka Keneda.