Somali News

R.wasaaraha dalka Ukrain oo iscasilay


Raysal wasaaraha dalka Ukrain Oleksiy Honcharuk ayaa sheegay in uu iska casilay xilkii raysal wasaarenimo ee uu hayay, isagoo warqadda iscasilaadana u gudbiyay madaxweynaha dalkaasi.

Dalka Ukrain ayaa ahaa muddooyinkan dambe mid sii wajahay xaalad siyaasadeed oo cakiran iyo mid dhaqaale oo is kaabaya, kadib markii laga jartay lacagta deeqda ah ee Mareykanku siiyo dalkaasi, taas oo uu jaray madaxweyne Donald Trump.

Sidoo kale waxaa jiro weeraro ka dhaca dalkaasi, kuwaas oo ay militeriga dalkaasi ku qaadaan koox garab ka helaya dawladda Ruushka.

Mr Honcharuk ayaan sheegin sababta ka dambeysa iscasilaadiisa, inkasta oo madaxweynaha dalkaasina uusan weli ka hadlin warqada loo gudbiyay ee codsiga is casilaadda ah.