Somali News

R/wasaaraha Ingiriiska oo ku dhawaaqay inuu iscasilay

Ra’iisal wasaaraha Ingiriiska, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu ka dagay xilka ra’iisal wasaarenimo.

Boris Johnson, ayaa waxaa maalmihii ugu danbeeyey cadaadis uu uga imanayey xubnaha xisbigiisa ee Conservative-ka.

Wuxuu u mahad celiyey dadweynaha Ingiriiska, maadaama ay ku aaminneen jago aad heerkeedu u sarreeyo.

Isagoo hadalka sii wata markii uu ku dhawaaqayey is casilaadda, Boris Johnson, ayaa sheegay inuu sii heyn doono jagada ra’iisal wasaarenimada, inta mid kale laga dooranayo.