Somali News

R/Wasaaraha Itoobiya oo la kulmaya madaxda iyo shacabka Soomaali Galbeed.

Addisababa-KNN-Maanta oo jimco ah waxaa magalaada Addisababa ee dalka Itoobiya ku kulmaya ra’iisal wasaaraha dalkaasi Abiy Ahmed iyo madaxda dowlad deegaanka iyo sidoo kale qaar kamid ah shacabka Soomalida.

Kulanka ayaa sida lagu waramayo waxaa uu ka dhacayaa hool weyn oo madaxda Itoobiya ay kula kulmaan wafuuda heerka caalami ee dalkooda booqda , waxaana marka ay Soomaalida iyo ra’iisal wasaaraha Itoobiya kulmaan laga hadlaya arrimo la xiriira dhibaatooyinka ka jira dhulka Soomaali Galbeed ee ay Itoobiya Maamusho.

Sida uu kulankan ku yimid ayaa la tilmaamaya in ay tahay dalab ka yimid ra’iisal wasaaraaha Itoobiya Abiy Ahmed oo doonaya in dadka soomaalida ah uu kala hadlayo xasilinta deegaanka iyo sidoo kale joojinta dagaalada u dhaxeeya qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada ee mudooyinkaan socday.

Qaar kamidah odayaasha ka qeybgali doona kulanka maanta ayaa warbaahinta waxa ay u sheegeen in muhiimadda ugu weyn ee ay iyaga kala hadli doonaan Abiy Ahmed ay tahay sidii cadaaladda ay u heli lahaayeen.

Waxaa uu imaanaya kulankaan iyadoo ay isbedalo siyaasadeed oo xoog leh ka socdaan geeska Afrika si gaar ahna dowlad deegaanka Soomaali Galbeed ay muddo bil ka yar marayan madaxweynihi sadexaad marka laga soo bilaabo Cabdi Maxamuud Cumar , walloow midka haatan kmg ah ee Mustafe Cagjar uu sameynayo balanqaadyo badan oo shacabka sheegayaan hadii laga dhabeeyo ay tahay is bedel dhab ah.