Somali News

R/wasaaraha Pakistan oo sheegay inuu ka cabsi qabo dagaal sokeeye oo Afghanistan ka qarxa.


Islama-bad KNN:R/wasaaraha Pakistan Cimraan Khan ayaa sheegay in welwelka
ugu weyn ee ay xilligaan xukuumadiisu qabto uu yahay in dagaal sokeeye uu
ka dhaco dalka ay dariska yihiin ee Afghanistan marka ciidamada caalamiga
ah ka baxaan bisha September ee sanadkaan.
R/wasaare Khan waxaa uu sheegay inuu usoo jeedinayo Maraykanka inay
xal siyaasadeed u keenaan dalka Afghanistan ka hor inta uusan ciidamadiisa
kala bixin sanadkan.
Dagaalamayaasha ururka Taliban ayaa hadda qabsaday inta badan gobolada
Afghanistan waxaana ay kusii durkayaan dhanka caasimadda.