Somali News

R/Wasaaraha Thailand oo ka badbaaday mooshin laga keenay

Bangkok-KNN-Ra’iisul wasaaraha dalka Thailand Barayuuth Jaan ayaa ka bad baaday inuu waayo codka kalsoonida baarlamaanka dalkaasi kadib markii ay xildhibaanadu cod u qaadeen

Dhawrkii todobaad ee lasoo dhaafay waxaa jiray khilaaf xoogan oo aad u saameeyay hawsha xukuumadda Thailand.

Xildhibaanada qaar ayaa soo jeediyay in r/wasaaraha iyo xukuumadiisaba is casilaan.

Waxyar kadib markii uu soo baxay warka ah in r/wasaarahu ka badbaaday mooshinka laga keenay ayaa waxaa caasimada Bangkook iskugu soo baxay boqolaal ruux oo r/wasaaraha siyaasadiisa kasoo horjeeda.

Barayuuth Jaan ayaa afgambi ku qabsaday talada dalka Thailand sanadkii 2014 markaasoo uu ahaa taliyaha ciidamada dalkaas.