Somali News

R/Wasaare Boris Johnson bandow ku soo rogay dalkiisa UK

London-KNN-Ra’iisul Wasaaraha dalka Ingiriiska Boris Johnson ayaa ku dhawaaqay bandow kale oo ka hirgali doona guud ahaa dalka boqortooyada Ingiriiska.

Ujeedka bandowgaas ayaa ah sidii looga hor tegi lahaa faafitaanka xanuunka Coronavirus oo dalkaasi kusoo laba kacleeyey.

Sidoo kale waxaa albaabada la iskugu dhiftay goobaha ay dad waynuhu iskugu yimaadaan dalka Ingiriiska iyo dukaamada aan muhiimka aheyn.

Ra’iisul Wasaaraha UK ayaa horay uga soo hor jeestay in bandow kale lagaliyo dalka, balse waxa uu sheegay in go’aankan uu qaatay, kadib markii uu aqbalay talooyin ay u soo jeediyeen dhakhaatiirta dalka.