Somali News

R/Wasaare Kheyre iyo Gudoomiye Mursal oo xalay kulmay.

Muqdisho-KNN-Guddoomiyaha Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Ra’iisul wasaaraha XFS mudane Xasan Cali Khayre oo  xalay Kulan yeeshay ayaa isku fahmay dhameynta xaaladaha hadda jira.

Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Ra’iisul wasaaraha Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka wada hadlay xoojinta wada shaqeynta Laamaha Sharci dajinta iyo Fulinta.

Kulanka ayaa waxaa soo qabanqaabiyay xildhibaano ka mid ahGolaha Shacabka kuwaasi oo beryahaan dambewaday dhexdhexaadinta Golaha Shacabka iyo MadaxweynahaSoomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Mooshin ay ka keeneen xildhibaanno lagu sheegay tiradoda inay gaareyso 92 mudane.