Somali News

R/Wasaare Kheyre oo iclaamiyay halka lagu qabanayo Shirka dib u heshiisiinta Galmudug.

Dhuusa Mareeb-KNN-Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya oo ka hadlayay munaasabadda xuska 59-aad ee maalinta xorriyadda goballada Koonfureed iyo midnimada Waqooyi iyo Koonfur ayaa ku dhawaaqay in gogosha dib-u-heshiisiinta Galmudug ay taallo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad gobaleedka Galmudug.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa munaasabadda ka sheegay in magaaladu ay soo buuxisay shuruuddii ku xirnaya in magaaladu marti geliso gogoshaan muhiimka ah.

Sidoo kale R/Wasaare Khayre ayaa uga mahadceliyay madaxa fulinta Galmudug aqbalaadiisa ku aaddan in ciidamada amniga dowladda  Soomaaliya ay ka howl galaan magaalada Dhuusamareeb si ay awood ugu yeelato marti gelinta gogosha dib-u-heshiisiinta.

Xasan Cali Kheyre R/Wasaaraha Soomaaliya ayaa faray hey’adaha amniga dowladda federaalka Soomaaliya in sida ugu dhaqsiyaha badan uga howl galaan magaalada Dhuusamareeb si gogosha laga fidiyay ay ugu qabsoonto sida ugu habboon, looguna guulaysto dhismaha Galmudug loo dhanyahay sal adag oo u adeegta dadkeeda iyo ummadda Soomaaliyeed.

R/Wasaaraha soomaaliya ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa uu kulamo ka waday deegaanada ka tirsan Maamulka Galmudug, isagoona u guur galaya xaalada dhabta ah ee deegaanadaasi ka jira.