Somali News

R/Wasaare Kheyre oo ka qeyb galay Xuska 14 October oo lagu qabtay Muqdisho.

Muqdisho-KNN-Munaasabad lagu xusay Musiibadii 14-ka October ee ka dhacday isgooska Soobe ayaa maanta lagu qabtay Isgooskaasi , waxaa ka qeyb galay Madax ay kamid yahay Ra’iisul Wasaaraha Dalka Mudane Xasan Cali Kheyre iyo Masuuliyiin ka tirsan Dowlada oo khudbado u jeediyay Boqolaal Shacab ah goobta isugu yimid.

R/Wasaaraha Soomaaliya  ayaa waxa uu ka hadlay dhibaatadii ka dhacday isgooska Soobe 14 octobe, sanadkii 2017-ka.

Waxaa uu R/Wasare Kheyre uu  Wasaarada Waxbarashada Soomaaliya ku amray in looga baahanyahay in ay waxbarasho bilaash ah siiso Caruurta dadkii lagu xasuuqay qarixii Zoobe.

Sidoo kale R/Wasaaraha ayaa waxaa uu amray Guddigii tirakoobka dadka waxyeelada gaartay in liiska ay hayaan ku wareejiyaan Wasaarada Waxbarashada, si caruurta waxbarasho bilaash ah loo sameeyo.

Intaa kadib Boqolaal dadweynaha ayaa waxaa ay socdaal ku mareen qaar ka mid ah wadooyinka Magaalada Muqdisho, iyagoo ku dhawaaqayay erayo ay ku cambaareynayaan Qaraxii ka dhacay Isgooska Soobe ee Sanadkii Hore.

Mudo  Hal sano ayaa ka soo wareegatay qaraxii ugu weynaa  taariikhda ka dhaca Soomaaliya 14-October ee sanadkii 2017, kaasoo ay ku dhinteen dad ka badan shan boqol oo ruux halka tiro intaa ka badan ay ku dhawaacmeen.