Somali News

R/Wasaare Kheyre oo kulamo ka wada Cadaado.

Cadaado-KNN-Xasan Cali Kheyre R/Wasaaraha Soomaaliya ayaa waxaa uu xalay kulamo gooni gooni ah la qaatay Masuuliyiin ka tirsan Galmudug iyo xildhibaanada ka tirsan  Baalramaanka Soomaaliya eek u sugan magaalada Cadaado.

Kulamada  xalay dhacay ayaa ah kuwa looga arinsanayo sidii xal loogu heli lahaa doorashada hogaanka Galmudug oo wali muran ka taagan yahay halka lagu qabanayo iyo waliba xiliga rasmiga ah ay dhaceyso doorashada.

Wafdiga uu hoggaaminayo  Ra’isul Wasaare Kheyre oo shalay  gaaray Cadaado ayaa kulamo la yeeshay Xildhibaano katirsan labada Aqal ee Baarlamaanka oo horey ugu sugnaa magaalada Cadaado iyo masuuliyiin katirsan maamulka Galmudug uu ugu sareeyo Madaxweyne Xaaf

Ra’isul Wasaare Kheyre iyo wafdigiisa ayaa doonaya in Madaxweynaha Galmudug, Xildhibaanada iyo Waxgaradka Cadaado ka dhaa dhiciyaan sidii loo dhisi lahaa Galmudug oo mideesan iyo sidoo kale in doorashada ka dhacdo magaalada Dhuuso Mareeb.

Wararka qaar ayaa sheegaya in saakay R/Wasaaraha Soomaaliya uu la kulmo qeybaha kala duwan ee bulshada ee ku sugan Magaalada Cadaado, kuwaasi oo la kala hadli doono sidii xal looga gaari lahaa jahwareerka siyaasaded ee ka taagan Galmudug.