Somali News

R/Wasaare Kheyre oo la sheegay in Mooshin laga Gudbiyay.

Muqdisho-KNN-War ay heshay Idaacada kulmiye ayaa sheegaya in xildhibaaano ka tirsan Golaha shacabka ee Baarlmaanka soomaaliya ay u gudbiyeen Guddoonka Golaha Shacabka Mooshin u yeerid ah Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Mooshinkan  oo ay saxiixday Illaa 23 Xildhibaan ayaa waxaa lagu dalbaday inuu Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya  uu hortago xildhibaanada Golaha shacabka ee Baarlamaanka soomaaliya.

Wararka  ayaa intaa ku daraya in Guddoonka ay ka dalbadeen Xildhibaanada Mooshinka saxiixay in la siiyo waqti si loogu soo daro soo jeedintaasi ajandaha Baarlamaanka.

Saddexdii maalmood ee la soo dhaafay ayaa Xildhibaanada Golaha Shacabka waxaa ay dood kulul ka lahaayeen amniga dalka, iyadoo eedeymo culus u jeediyay Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal oo ka hadlayay gabagabadii dooda amniga ayaa sheegay in 50 xildhibaan ay ka hadleen aragtidooda iyo wixii talooyin ay soo jeediyeen la qoray, waxaana uu tilmaamay in arrinta ay u xilsaareen Guddiyada Difaaca iyo Amniga Golaha Shacabka, si warbixin waafi ah ay ugu  keenaaan.