Somali News

R/Wasaare Kheyre oo Maanta booqanaya Saldhigyo ciidan oo ku yaalla Kismaayo.

Kismaayo-KNN-Xasan Cali Kheyre R/Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta waxa uu kulamo gaar gaar ah la qaadanayaa Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland.

R/Wasaare Kheyre ayaa waxaa kulan la qaadan doonaa Waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG u ah maamulka Jubbaland.

Sidoo kale Wararka qaar ayaa sheegaya in maanta R/Wasaaraha Soomaaliya uu booqdo xarumaha ay ku sugan yihiin ciidamada Xoogga iyo kuwa Jubbaland, isagoona halkaasi kula hadli doono ciidamada iyo saraakiishooda.