Somali News

R/wasaare Kheyre oo markale ka hadlay cabashada ka soo yeertay ciidanka Xoogga.

Muqdisho-KNN-R/Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta markale waxaa uu ka hadlay Ciidamaddii dhawaan kasoo baxay furumaha dagaalka ay kaga sugnaayeen gobolada Shabeelaha hoose iyo shabeelaha dhexe.

R/wasaare Kheyre ayaa dhaliilay Ciidanka xoogga, waxaa uuna sheegay in aysan ciidanka u dulqaadan inta yar ee ay socoto diiwaangalinta, isagoona fariin u diray ciidamada xoogga dalka.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in arinta la isku hayo ay tahay in la doonayo in dad kale ay qaataan mushaaraadka ciidamada xoogga dalka, arintaasina aysan u dulqaadan karin, islamarkaana ay wax ka qaban doonaan inta ay xilka hayaan.

“Askari walba waa inuu joogaa meeshii lagu diiwaangeliyay, islmarkaana lacagtana ay dowladu ku siin doonto.”ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Maalin ka hor ayay aheyd markii ciidamada xoogga ee ku sugan gobalka Shabeelaha dhexe ay sheegeen in wax mushaar ah aysan qaadan mudo afar bilood ah, taasina ay dhibaato badan ku abuurtay,, iyagoona sheegay in ay aad ugu xun yihiin hadalkii ka soo baxay R/wasaaraha Soomaaliya iyo wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga , kaasi oo ku aadan in ciidanka la siiyay mushaarkooda.