Somali News

R/Wasaare Kheyre oo xalay la kulmay Bulshada Garoowe.

Garoowe-KNN-Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre  ayaa xalay booqday qaar kamid ah goobaha ay bushadu ku kulanto ee magaalada Garowe  si uu u xog waraysto shacabka magaalada una ogaado, isaga oo sidoo kale tegay qaar kamid ah xarumaha ganacsiga magaalada.

Ra’iisul Wasaaraha oo dadka uu la kulmay ka dhagaystay talooyin iyo fikrado muhiim ah ayaa  bogaadiyay wada shaqaynta ka dhexeysa shacabka iyo madaxdooda iyo nabad geliyada iyo horumarka ay iska kaashadeen.