Uncategorized

R/wasaare ku-xigeenka DalkaTurkiga oo booqday Saldhiga Turkigu uu ku tababarayo Militariga Soomaaliya.

Muqdisho-KNN=Wafdigii uu hoggaaminayay Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Turkiga Hakan Jaush Ogolo oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa booqday xarunta lagu Tababaro Ciidanka Militariga Soomaaliya oo ay Turkigu ka hirgeliyeen magaalada Muqdisho.

Wafdiga waxaa ugu horeyn si diiran u soo dhaweeyey R/wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed,mas’uuliyiin uu kamid yahay Wasiirka Arrimaha dibadda aee Soomaaliya,Xildhibaano iyo Danjiraha Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Olgan Baker.

Hakan Jaush Ogolo raiisul Wasaare ku-xigeenka Turkiga iyo wafdigiisa oo uu wehliyo dhigiisa Soomaaliya ayaa booqday saldhigga Turkiga uu ku tababaro Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ee ku yaallo deegaanka Jazeera ee duleedka Muqdisho.

Mas’uuliyiintani ayaa waxaa ay kormeer ku sameeyeen qeybaha uu saldhigaasi ka kooban yahay,iyagoo u kuurgalayap sida ay u socdaan howlaha tababarka Ciidanka Xooga Dalka oo qeyb ka ah taageerada Turkigu uu u fidinayo Soomaaliya.

Waxaa halkaasi hadalo ka jeediyay R/wasaare ku-xigeenada Soomaaliya iyo Turkiga,iyagoo siweyn uga hadlay ahmiyada ay leedahay xoojinta xiriira walaaltinimo ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mr. Hakan ayaa sheegay in u jeedada socdaalkooda Soomaaliya in uu yahay sidii looga dhabeyn lahaa heshiisyadii labada Ra’iisul wasaare ku xigeenka ay kusoo kala saxiixdeen Ankara ee la xiriiray hirgelinta mashaariic isugu jirta horumarinta dhismaha hey’adaha dowladda, kaabeyaasha Dhaqaalaha iyo Taakuleynta iyo dib u dhiska ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale labada Ra’isiul wasaare ku xigeen ayaa si wadajir ah u dhagax dhigay wadada xiriirisa Garoonka diyaaradaha Muqdisho  iyo xerada tababarrada ciidanka ee Turky-som, halkaas oo laga dhisi doono waddo laammi casri ah.

Booqashada Wafdiga R/wasaare ku-xigeenka Turkiga ee Soomaaliya oo hal maalin ah ayaa waxaa la filayaa in uu la kulmo madaxda Dowladda Soomaaliya,iyagoo ka wada hadli doona arrimaha xiriirka Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga.