Somali News

R/wasaare Rooble oo kormeeray howlaha biyaha looga qaadayo jidadka caasimadda.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS mudne Maxamed Xuseen Rooble ayaa kormeeray qaar ka mid ah jidadka muhiimka ah ee caasimadda ee laga dhurayo biyaha xiray ee ka dhashay roobabkii maalmahan ka da’ayay magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waribixin ku saabsan qaabka ay u socoto howsha nadiifinta jidadka ay biyuhu jareen ka dhageystay ku simaha guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo guddoomiye ku xigeenka gobolka ee howlaha guud.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa faray maamulka gobolka Banaadir in ay dardar galiyaan howlaha nadiifinta wadddooyinka muhiimka ah ee xirmay roobabka da’aya, waxa uuna ku baaqay in la caawiyo dadka ku waxyeelloobay roobabkan, gaar ahaan dadka nugul iyo barakacayaasha.
“Waxaan mar kale ku baaqayaa in loo gurmado dadka ay dhibaatooyinku ka soo gaareen roobabkii maalmihii la soo dhaafay ka da’ayay magaalada Muqdisho” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.