Somali News

R/Wasaare Rooble oo kulan la qaatay odayaasha dhaqanka Koofur Galbeed 

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudne Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay magaalada Baydhabo kulan kula qaatay odayaasha dhaqanka ee Dowlad-goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa odayaasha dhaqanka uga warramay ujeeddada socdaalkiisa Koofur Galbeed, isagoo kula dardaarmay inay sii xoojiyaan kaalintooda ku aaddan nabadgalyada, la dagaallanka argagixisada iyo isku haynta iyo heshiisiinta bulshada.

Waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu tilmaamay in ay muhiim tahay in odayaasha dhaqanka iyo guud ahaan bulshadu ka qeyb qaataan la dagaallanka xagjirka iyo u caqli celinta dhallinyarada la marin habaabiyay.