Somali News

R/wasaare Rooble oo lagu wado inuu kulan la qaato musharixiinta mucaaradka

Ra’iisul Wasaaraha soomaaliiya Maxamed Xuseen Rooble ayaa saacadaha soo socda ayaa la filayaa inuu kulamo la qaato qaar ka mid Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha, si xal loogu helo caqabadaha ka taagan hannaanka doorashada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulan uu todobaadki hore qadka Zoom-ka kula yeeshay Wakiilada Beesha Caalamka waxaa uu u sheegay inuu diyaar u yahay inuu la fariisto cid walba oo tabasho ka qabta arrinta doorashada.

Muran xoogan ayaa ka taagan arrimaha doorashooyinka, iyadoona xukuumadda lagu eedeeyay in ay sameysatay guddi doorasho oo ka shaqeeya xafiiska madaxtooyada Soomaaliya iyo hay”adda Nabad sugida Soomaaliya.