Somali News

R/wasaare Xamse oo la kulmay Safiirka Imaaraadka Carabta

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Dowladda Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Maxamed Axmed Alcuthman.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii laga isaga kaashan lahaa dhinacyada Amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha binu aadanimada.

Ra’iisul Wasaaraha uga mahad celiyey Dowladda Imaaraadka Carabta taageeridda Dowladnimada Soomaaliya, isagoo sheegay in ay sii xoojin doonan xiriirka labada dal.

Dhankiisa safiirka Dowladda Imaaraadka, ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahad celiyey soo dhawaynta, isagoo sheegay in Dowladda Imaaraadka Carabta iyo hogaankeeduba ay diyaar u yihiin in Soomaaliya ka taageeraan dhinacyo kala duwan sida, gurmadka abaaraha, amniga, horumarinta iyo kaabayaasha dhaqaalaha.