Somali News

R/wasaare Xamze oo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay midnimo

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamze Cabdi Barre oo ka qeyb galayay munaasabad lagu xusayay 1-dii Luulyo oo ay kasoo wareegatay 62-sano guuro markii ay labada gobol ee Waqooyi iyo Koofur midoobeen, kadibna ay dhalatay Jamhuuriyadda Soomaaliya, wuxuu hambalyo ku aaddan maalintaan la wadaagay dhammaan shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Xamze ayaa sheegay in Maalmaha xorriyadda ay yihiin kuwo micno iyo qiimo gaar ah ugu fadhiya masuuliyiinta iyo shacabka Soomaaliyeed, isagoo xusay in madaxbanaanida maanta ay heystaan dadka Soomaaliyeed aysan ku imaan si dhib yar.

“Maalmaha xorriyadda kuwo micno iyo qiimo gaar ah ugu fadhiya masuuliyiinta iyo shacabka Soomaaliyeed, waxaana dhammaanteen ognahay innaysan madax-banaanida aan maanta haysano si dhib yar ku imaan.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamze Cabdi Barre.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay inay jiraan oo halyeeyo badan oo dhiiggooda, dhididkooda iyo naftoodaba u soo huray helidda Qaranka aan maanta ku naallooneyno.

Mr Xamze ayaa bulshada Soomaaliyeed xusuusiyey in muhiimad gaar ah ay maalin u leedahay, isagoo ugu baaqay inay u midoobaan horumarka iyo dib u soo kabashada dalkooda.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Waaaare Xamze Cabdi Barre ayaa Umadda Soomaaliyeed u rajeeyay nabad qab, barwaaqo iyo baraare, kaas oo ay ku gaaraan sannadka dambe iyo dalka oo ka baxa dhibka ku jiro, taas oo ay ugu horreyso abaarta daran.

“Waxaan ummadda Soomaaliyeed u rajaynayaa in Rabbi nabad qab, barwaaqo iyo baraare innagu gaarsiiyo sannadka dambe iyo dalkeenna iyo dadkeenna oo ka baxa dhibka ay kujiraan oo ay ugu horreyso abaarta iyo innaga oo guul wanaagsan ka gaarna la dagaalanka kooxaha argagixisada ah ee dadkeenna dhibka ku haya.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya.