Somali News

R/Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Carte oo maanta lagu aasayo Hargeysa.

Waxa maanta lagu wadaa in Magaalada Hargeysa lagu Aaso Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Carte Qaalib, kaas oo shalay ku geeriyooday magaaladaasi.

Aaska Meydka ayaa waxaa  ka qeyb-gali doono  Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Xubno ka tirsan Mas’uuliyiinta Maamulkaas.

Sidoo kale Aaska meydka Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Carte Qaalib ayaa waxaa ka qeyb-geli doona madax kala duwan oo katageysa Magaalooyin kamid ah Gobolada dalka iyo dibadda.

Shalay ayay aheyd markii xukuumadda Soomaaliland ay  guddi u saartay Aaska meydka Marxuum Cumar Carte oo bilihii la soo dhaafay ku xanuun sanayay Magaalada Hargeysa, inkastoo shalay uu halkaasi ku geeriyooday.

Cumar Carte Qaalib wuxuu ku dhashay gobollada waqooyiga ee dalka Soomaaliya sanadku markuu ahaa 1930kii, wuxuuna geeriyooday isagoo 90 jir ah.

Cumar Carte Qaalib, 1969-kii dhamaadkii ilaa iyo billowga dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya 1977-kii ayuu Soomaaliya u ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda.

Cumar Carte Qaalib 2 maalmood ka hor intii aan la ridin dowladdii Maxamed Siyaad Barre oo ku beegan 24kii bishii January, sanadkii 1991dii ayaa loo magacaabay xilka Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, isaga oo aan soo dhisin wax xukuumad ah ayay dhacday dowladdii Militariga.

Sidoo kale Cumar Carte Qaalib, dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Cali Mahdi Maxamed ayaa loo magacaabay Ra’iisul Wasaare, wuxuuna xilkaas hayay 1991dii ilaa 1993dii.

Wuxuu ahaa siyaasi uu wiilkiisa, Maxamed Cumar Carte, ka noqday Ra’iisul Wasaare ku-xigeen dowladda uu madaxweynaha ka ahaa Xasan Sheekh Maxamuud