Nairobi-KNN-Wararku waxay sheegayaan in magaalooyin ay ka mid tahay Kibera inay iskugu soo baxeen dad caraysan oo markii dambe gacanta ula tagay ciidamada amaanka.
Dad caraysan ayaa xoog ku xiray xarun loogu talo galay in dadku ka codeeyaan oo ku taala magaalada Kibera waxaana ku dhaawacmay illaa 3 qof oo shaqaalihii xaruntaas ka shaqaynayay ahaa.
Ciidamada amaanka ayaa magaalooyinka Kibera iyo Kisumu dad isku soo baxay u adeegsaday kala cayrintooda rasaas nool nool iyo suntan dadka ka ilmaysiisa
Wararka ka imaanaya magaalada Kisumu oo ay ku badan yihiin taageerayaasha hogaamiyaha mucaaradka ah ee Raulla Odinga ayaa sheegaya in xarumo cod bixin oo la furay hase ahaatee ay jirin cid tagtay oo ka codaysay.
Wararka qaar ayaa sheegaya in kor joogayaasha caalamiga ah ee dalka Kenya jooga ay shaqadooda u joojiyeen cabsi dhanka amaanka oo soo wajahaday.
M/weynaha dalkaasi Uhuru Kenyatta oo taageerayaashiisa la hadlay ayaa u sheegay inay dadku soo baxaan oo ay hogaamiyahooda doortaan taas badalkeedna hogaamiya mucaaradka ayaa Raila Odinga ayaa asna taageerayaashiisa u sheegay inay soo bixin oo ay codeyn
Ciidamada dalkaasi ayaa heegan la galiyay waxaana si gaar ah ciidamo dheeraad ah loo soo dhigay dhanka xaduuda dalkaasi la leeyahay Soomaaliya maadaama ay jirto cabsi ah in Al-Shabab weeraraan.