Somali News

Rabshadaha ka socda Haiti oo sii kordhay.

Muqdisho-KNN-Waxaa cirka isku sii shareeray rabshadaha ka jira dalka Haiti, xili khalalaasaha ka jira dalkaaasi uu aad u sii kordhayo.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in koox careysan ay gudaha u galeen saldhigyada booliska caasimada, si ay halkaasi uga qaataan qoryaha fudud.


Kooxdaasi ayaa waxaa la sheegay inay dileen seddex ka mid ah askarta booliska, iyagoo la wareegay ilaa 6 saldhig, waxaana ay gubeen mid kamid ah askartii booliska ay toogteen.

Warar qaar ayaa sheegaya in kooxdaasi ay toogteen askari diiday inuu hubka dhigo.