Somali News

Rabshado weli ka taagan Dalka Suudaan

Muqdisho-KNN-Kumannaan qof oo dibadbaxayaal ah ayaa wacad ku maray in ay sii joogi doonaan waddooyinka caasimadda dalka Suudan ee Khartoum, waxa ayna ku gacan seyreen bandow uu soo rogay golaha cusub ee milatariga ee shalay xukunka dalkaasi la wareegay.

Madaxweyne Cumar Al-Bashiir oo muddo dheer soo xukumayay dalkaasi ayaa shalay oo kahmiis ahayd la inqilaabay, kadibna xabsiga la dhigay.

Balse dadka dibadbaxyada dhigaya ayaa sheegaya in golahani cusub ee milatarigu uu qayb ka yahay nidaamkii hore ee Cumar Al-Bashiir.

Ismaandhaafkani cusub ayaa sade qaaday cabsi ah in rabshado iyo isku dhacyo dhex maraan dadka dibad-baxyada dhigaya iyo ciidanka milatariga.

Waxaa sidoo kale jira khatar dhab ah oo ah in qaybaha kala duwan ee ciidamada ammaanka iyo maleeshiyaadka ay iyaga dhexdooda dagaalamaan.

Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ayaa labaduba ku baaqay in xaaladda la dejiyo.

Gelinkii dambe shalay oo khamiis ahayd ayaa qoraal rasmi ah oo lagu baahiyay warbaahinta dowladda ayaa lagu sheegay in bandowgu uu socon doono laga billaabo tobanka fiidnimo ilaa afarta aroornimo.