Mombasa–KNN–Koox hubeeysan ayaa Weerar ku qaaday Jaamaamacadda Magaaladda Mombasa, Waxaa halkaasi ku dhaawacmay Dhowr kamid ah Ardaydii Jacadda dhiganeysay.
Wakaaladda Wararka Reuters ayaa Jaamacadda La weeraray ku sheegtay Jaamacadda Farsamadda ee Magaladda Mombasa, waxayna intaas ku dartay in ay Arday Badan joogeen Markii uu Weerarku dhacayay.
Goobjooge la hadashay Reuters ayaa sheegtay in iyadda iyo Arday kale ay Carareen Markii rag hubeeysan ay rasaas ku fureen, islamarkaana ay arkeen Arday korkooda dhiig ku yaalo oo dhismaha Jaamacadda laga soo saarayo iyo Booliiska oo Jaamacadda soo galaya.
Booliiska ayaa xaqiijiyay in la dilay Labo kamid ah Shaqaalaha Jaamacadda Dhowr Ardayna la dhaawacay markii rag hubeeysan ay Weerar ku qaadeen Gaari arday siday oo sii galayay Xarunta Jaamacadda Farsamadda ee Mombasa.
Aqoonsiga Ragga weerarka qaaday Wali macadda.
“waxaa la dilay Labo haween ah oo ka tirsanaa Shaqaalaha Jaamacadda, Darawalkii iyo Sargaal booliis ahna wa la dhaawacay” ayuu yiri Sargaal Booliis oo Reuters la hadlay diidayna in Magaciisa la shaaciyo.
Sargaalka u waramay Reuters ayaa sheegay in raga Weeraray jaamacadda ay tiro ahaan Gaarayaan 10 Ruux ayna Hubeeysnaayeen
Labadii April Sanadkii 2015 kii ayey ahayd Markii Dagaalamayaal Hubeeysan oo ka Tirsan Al-shabaab ay Weerar ku qadeen Jaamacaddii Magaladda Garissa oo ay ku dileen 148 Ruux oo u badan Ardaydii Jaamacadda ay ku dhaawaceen in kabadan 79 kale.
Weerarkaas waxaa sheegtay Al-shaabaab waxuuna ahaa Weerarkii ugu dhimashadda Badnaa ee Kenya ka dhaca intii u dhaxeeysay Sanadii 1998 dii iyo 2015kii.