Muqdisho-KNN-Ciidanka amniga ee Mandheera, Garrisa iyo Tana River ayaa orod ugu jira sidii ay ku fashilin lahayeen qorshe ay Al-shabaab ku doonayaan in ay kusoo Afduubtaan shaqaale caafimaad iyo shaqaale Dowladda iyo Hey’adaha aan Dowliga ahayn u shaqeeya, sida uu wariyay Wargeyska The Star.
Hillary Mutyambai oo ka tirsan saaraakiisha amaanka ayaa sheegtay in aysan jirin wax laga cabsado islamarkaana ay dadaal ugalidoonaan ka hortagga khatarta jirta.
Dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ayaa Wargeeysku waxaa uu sheegay in ay kusii jeedaan Kotulo iyo Bore hole.
Kooxda waxaa la rumeeysanyahay in ay qorsheeynayaan in Afduubtaan Ambulance Dowladdu leedahay iyagoo adeegsanaya Wadada Ceel-Waaqa iyo Kotulo.
Ilo amni ayaa sheegay in saraakiisha Booliiska ee aragagixiso la dirirka Woqooyiga Kenya ay ka digeen in Al-shabaab ay hadda qabaan dhaawaacyo daran sidaas darteedna ay doonayaan dhaqaatiir iyo qalab caafimaad, taaasina ay tahay sababta ay Afduubka u geeysanayaan.
Sidoo kale Ciidanka amaanku waxaa ay sheegeen in weerarro laga baqayo ina y ka dhacaan Mandera.
Ragga lasheegay in ay Al-shabaab ka tirsanyihiin ayaa qorsheeynaya in ay afduubtaan kuxigeenadda Gudoomiyeyaasha Deegaanadda Lafey iyo Carabiya.
Ciidanku waxay sheegeen in kooxda ka tirsan Al-shabab ee galay Kenya ay gaaraan 12 ruux, islamarkaan ay doonayaan ay Afduub geystaan.