Somali News

Rag ka tirsan Daacish oo maanta xukun lagu riday

Muqdisho-KNN-Maxkamada  Darajada koowaad  ee Ciidamada Qalabka sida ayaa maanta waxaa ay xukun ku riday xubin sare oo ka tirsanaa Daacish

Ninka ay maxkamadu xukuntay ayaa waxa lagu magacaaba Aadan maxamed cali oo lagusoo qabtay hawlgal ay ciidamadu sameeyeen.

Raggan ka tirsan  daacish ay maxkmada ciidamada ay goonka ka soo saaratay ayaa kala ah Aadan Maxamed Cali  iyo Cabdi Shakur  Xaaji Barsanji.

Aadan Maxamed Cali ayaa waxaa ay sheegtay in xukun dil toogasho ah lagu xukumay, halka Cabdi Shakuur Xaaji Barsanji la sii daayay.

Maxkamada ayaa sheegtay in Aadan Maxamed Cali  uu ka dambeeyay dilal ka dhacay Magaalooyinka Boosaaso,Iyo Muqdisho, waxaana sidan warbaahinta u sheegay Guddoomiyaha maxkamada ciidamada qalabka  sida  qeybtayda Darajada koowaad.