Somali News

Rag Ka tirsanaa Daacish oo Maanta la xukumay

Maanta Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Darajadeeda koowaad ayaa waxa ay xukun ku riday rag ka tirsanaa Kooxda Daacish Qeybteeda Soomaaliya.

Gal dacwadeedka ragan oo muddo ka furaa maxkamadda ayaa heerar kala duwan soo maray, waxaana kama danbeeyntii Maxkamaddu ay xukun ku riday labo nin oo lagu helay in ay ka tirsanaayeen Daacish.

Ragga la xukumay ayaa Magacyadooda lagu kala sheegay Maxamed Daa’uud Daahir oo Dr Raage loo yaqaan, waxaana loo heestay ninkaa inuu dhanka Caafimaadkan Kooxda kala shaqeeynayay.

Ninka kale ee la xukumay ayaa magaciisa lagu sheegay Mahad Maxamuud Cabdi (Abuu Yaasiin), waxaana loo heestay inuu ku hoowlanaa siduu u Asaasi lahaa Koox Daacish katirsan oo ka dagaalanta Koofurta Soomaaliya.

Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamda Qalabka Sida Gaashaanle Sare xasan Cali Nuur Shuute ayaa Warbaahinta kahor aqriyay xukunka ragan lagu riday.

Waxa uuna Sheegay in Ragan lagu xukumay Kiiba Min 15sano oo Xabsi Ciidan ah, Ciddii aanan ku qanacsaneeyna Racfaan ayay ka qaadan kartaa Xukunkani.

Ninka magaciisa lagu sheegay Abuu-Yaasiin waxa uu heestay dhalasho Ruush ah.