Uncategorized

Rag la sheegay iney Galabta qof ku dileen D/Waabari oo la qabtay.

Muqdisho-KNN-Ciidamada amaanka ee magaalada Muqdisho ayaa galabta gacanta ku dhigay Labo nin oo la sheegay iney dil ka fuliyeen degmada Waabari ee Gobalka Banaadir, waxaana laga qabtay Labo Xaafadood oo isu dhaw.

Guddoomiyaha degmada Waabari Rowda C/llaahi ayaa KNN u sheegtay in Ciidamada ay qabteen Labo qof oo lagu tuhunsan yahay iney ka tirsan yihiin Al-shabaab kuwaas oo ku hubeysan Bastoolado, waxaana lag qabtay Buundooyinka iyo agagaarka Xarunta degmada Waabari ee magaalada Muqdisho.

Ragaan ayaa waxaa qabtay Ciidamada amaanka xili lagu guda jiray raadinta ama Baadi goobka dhalinyaro Galabta qof shacab ah ku dilay Xaafadda Buundooyinka ee degmada Waabari sida ay noo sheegeen Saraakiisha amaanka.